Guddiga Gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta bilaabay qoshaha wejiga labaad ee biyo xireenka fatahaada Webiga, kadib markii dhawaan lasoo Gaba-gabeeyay wejigii Koowaad.
Guddiga Gurmadka ayaa wejiga labaad ee biyo xireenka ka daah-furay deegaanka Qooqane ee duleedka Waqooyi ee Baladweyne, halkaas oo kamid ah goobaha ay inta badan kasoo jabsadaan biyaha webiga.
Qaar kamid ah xubnaha Guddiga oo la hadlay wrabaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen inay sii wadi doonaan dadaalka looga hortegayo fatahaado saameyn leh oo ka dhaca gudaha Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Odayaal iyo aqoonyahano ayaa Guddiga Gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha uga mahadceliyay dadaalka ay wadaan, isla markaana ay ku doonayaan in Magaalada Baladweyne ka celiyaan biyaha weliga.
Webiga Shabeelle ayaa dhowr jeer fatahaado saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ka geystay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoona ay dad badan ku geeriyoodeen, halka kumanaan qof kalena ay ka barakaceen.