ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen Guddoomiye degmo oo ay shalay doorteen dadka ku nool Xaafadaha Maxamuud Heybe iyo Maxamed Mooge oo ka tirsan Magalada Hargeysa.
Sidoo kale Ciidamada xayaa xiray mid ka mid ah dadkii soo abaabulay Xafladii lagu doortay Guddoomiyahaas,iyadaoo Magalada Hargeysa Xaafado ka tirsan qaarkood ay yeesheen laba guddoomiye.
Caaqil Xuseen Ibraahim Xuseen oo munaasabada doorashada soo abaablay iyo dad kale ayaa la sheegay in Ciidamada Soomaaliland Xabsiga dhigeen,halka dad kale oo munaasabada ku sugnaa lagu raadjoogo.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib khilaaf xooggan oo ka dhex jiray Maamulka Magalada Hargeysa taa soo sababtay in Xaafadaha Maxamuud Heybe iyo Maxamed Mooge oo ka tirsan Hargeysa ay guddoomiye doortaan.