Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeyn khasaaro geystay shalay Gelinkii dambe ka fuliyay deegaan duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Duqeynta ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Buulo Xaaji,gaar ahaan Goob ay deganaayeen dad Xoolo Dhaqato.
Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa duqeyntaas ku geeriyootay mid kalena waa uu ku dhaawacmay,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in halka dqeynta ay ka dhacday aysan ku sugneen Al-Shabaab.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Buulo Xaaji ayaa sheegay in qofkii ku dhaawacmay duqeyntaas la geeyay Isbitaal ku yaalla Magalada Kismaayo,isaga oo walaac ka muujiyay duqeymaha dadka rayidka ah lala beegsanaayo.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay arrintaasi ilgaar ah ku hayaan,isla markaana kala hadlaan dadka duqeymaha geysanaya.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay duqeymaha lala beegsanayo Xarumaha ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Gobolada dalka wallow duqeymahaas ay dad rayid ah wax ku noqdaan.