Waxa goordhow ku dhawaaqay in uu is casilay Guddoomiyihii Gobolka Sool ee dowlad Goboleedka Puntland Abuukar Cabdi Geelle,kaas oo mudo Lix bilood ah xilkaasi haayay.
Guddoomiyaha aya qoraal kooban soo dhigay Barta Bulshada ay ku xariirto ee Facebook,waxana uu sheegay in xilkii guddoomiyenimo uu iska casilay.
“Laga bilaabo hadda waxaan iska casilay G.Gobolka Sool ee Dawlada Puntland, Sababo ila soo gudboonaaday awgood ayaan go,aankan gaadhay†ayuu yidhi Geelle.
Guddoomiyaha is casilay ee Gobolka Sool ayaa waxaa xilkaasi loo Magacaabay 11 bishii June ee sannadkan,waxaana uu hayay mudo lix bilood ah.