Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee Baarlamaanka Puntland ayaa Goordhow ku dhawaaqay Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.
Xildhibaanada cusub ee Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ay ku dhawaaqeen ayaa ka kooban 66 Xildhibaan,kuwaasi oo maalmaha soo socda soo dooran doona Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.
Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa waxaa laga soo xulay deegaanada maamulka Puntland,iyagoona shaqeyn doona 2019 ilaa iyo 2023.
Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin badan,waxaana lagu wadaa inay dhacdo Doorashada 8 bisha 1aad ee Sanad cusub ee 2019.
Hoos ka Akhriso Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland.