Guddoomiye deegaan ka tirsan Jubbaland oo Qarax lagu dilay

Wararka Idacadda Dalsan ay ka heleyso deegaanka Raas-kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii deegaankaas.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka aaso ah ayaa waxaa uu qabsaday gaari uu la socday Guddoomiyihii Raas-kaambooni Cabdullaahi Diiriye xili uu socdaal ku mararay duleedka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay Guddoomiye Cabdullaahi Diiriye oo muddo ku dhow sagaal sanno Guddoomiye ka ahaa deegaanka Raas-kaambooni oo Magaalada Kismaayo ka xiga dhanka koonfureed.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxa lagu dilay Guddoomiye Diiriye, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ee ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.

Comments
Loading...