Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku taalla meel ku dhow halka lagu magacaabo Baar Bulsho ee Nawaaxiga Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in qofka Is-miidaamiyay uu galay Maqaayada Baar Bulsho, kadibna uu is qarxiyay, waxaana halkaas ku geeriyooday saddex ruux oo shacab ahaa.
Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka Baar-Bulsho, kuwaasi oo si Deg deg ah loogu qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray inta badan Waddooyinka soo gala halkaas oo ay ku taallo Bar Koontarool oo laga ilaaliyo Xarunta Madaxtoyadda Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maqaayada uu qaraxa ka dhacay ay inta badan fariisan jireen Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana haatan halkaas ku sugan Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.