Diyaarad ka timid dalka Qatar ayaa magaalada Muqdisho ka qaadday dhaawcyada masuuliyiin uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cusmaan Yariisow iyo xubno kale kuwaas oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay hoolka Shirarka ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Guddigii ay dowladdu u xilsaartay gurmadka ayaa Isbitaalka Digfeer ka soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow,Gudoomiyaha degmada Warta-nabadda Saynab Xabsey iyo 4-agasime oo ka shaqeynayay xafiiska duqa Muqdishokuwas oo xaaladdooda wax looga qaban wayay dalka gudihiisa.
Dhinaca kalana hay’adaha amaanka ee Somalia ayaa wada baaritaanka sida uu u dhacay weerarkaas khasaaraha badan dhaliyay,inkasta oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.