Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mundane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay gudiga dib-ufurista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taas oo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimada.
Gudigaan la magacaabay ayaa waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah.
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa 29 bisha August 2019 balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka Muqdisho kuyaala ee xiran.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.