Dhageyso:-MD Farmaajo oo sheegay in Al Shabaab iyo Daacish sameysteen Odayaal Dhaqameed u gaar ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Maanta dalka uu ku jiro xilligii la raadin lahaa xurnimo si looga hortago Al-Shabaab iyo Daacish,oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Khudbadii uu ka jeediyey banaanbixii munaasabada 1-da luulyo ee Banaadir Stadium uga hadlay arrimaha amniga,siyaasada,iyo halgankii loo soo maray ka xureyntii dalkan gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska,ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhibaatada amni e ka jirta dalka.

Waxa uu sheegay in haatan Soomaaliya qatarta weyn ee ka jirta ay tahay Al-Shabaab iyo Daacish,waxa uuna oo sheegay in Al Shabaab iyo Daacish ay sameysteen Odayaal Dhaqmeed u gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor