Guddoomiyaha Baarlamaanka P/land “Farmaajo waxa uu la fariistay koox gooni goosad ah”

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  ayaa ka hadlay Shirkii shalay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiye Jibriil oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in shirkaas ay qaadacday Puntland, isla markaana waxaa uu sheegay in Maamulka uusan qeyb ka aheyn wada-hadalkaas.

Waxaa kaloo Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay Dastuurka dalka, uuna doorsiinin gobalada Sool iyo Sanaag.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu la fariistay koox gooni goosad ah, kuwaasi ah oo ula jeeday Somaliland oo dagaal xoogan uu kala dhexeeyo Puntland.

“Qeyb kama nihin shirka Jabbuuti, mana aqbali doono, Farmaajo wuxuu ku xadgubay dastuurka jamhuuriyadda, isaga oo la fadhiistay koox gooni goosad ah” ayuu yiri Guddoomiye Jibriil.

Si kastaba Puntland ayaa horey u qaadacday shirkii shalay Magaalada Jabuuti uga furmay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo sheegay in shirkaas laga leeyahay ujeedo kale, maadama aysan qeyb ka aheyn Puntland.

Comments
Loading...