Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: Yariisow ayaa shalay dhaawac culus waxa uu ka soo gaaray weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dowladda hoose oo xiligaas oo shirk a socday.
Guddoomiyaha gobolka iyoniyo qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka oo dhaawacyo ay ka soo gaareen weerarkaas ayaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho iyada oo aad looga deyrinayo xaaladda masuuliyiinta qaarkood.
Diyaar gaar ah ayaa la sheegay in ay ka imaanayso dalka Qatar isla markaana ay qaadayso masuuliyiinta dhaawcyadoodu ay culusyoihiin oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhaqaatiirtu ay sheegeen in dhowr jeer lagu sameeyay qaliin,iyada oo diyaaraddaas ay ka soo degeyso garoonka Aadan Cadde saacadaha soo socda.
Weerarkaan oo masuuliyadiisa ay sheegatay Alshabaab waxaa ku geeriyooday guddoomiyaal degmo Agaasimayaal,iyo xubno kale oo si gaar ah ula shaqeeynayay guddoomiyaha gobolka.