Dad loo soo qabtay weerarkii ka dhacay Magaalada Baladweyne

Taliska Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay lagu qaaday Goob maqaaxi ah oo ku taalla xaaladda suuqa xoolaha ee Baladweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Maxamed Maxamuud Rooble oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka lagu qaaday maqaaxida uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, waxaana meel aan sidaas uga fogeyn maqaaxida Saldhig ku leh Ciidanka AMISOM.

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Rooble in weerarka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa amnig Magaalada ay bilaabeen howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Taliyaha Booliska ayaa tilmaamay in howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay dad dhowr ah oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo loo shakisan yahay inay fuliyeen weerarkii xalay, isla markaana laamaha amniga dadkaas ay ku wadaan baaritaano kala duwan.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Maxamed Roobe ayuu sheegay in warbaahinta ay la wadaagi doonaan natiijada kasoo baxday howlgalka Ciidanka oo weli socda, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgalka amniga lagu xaqiijinayo.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan ka dhacay weerar lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ahaa hoggaamiyaha Ciidanka Macwiisleyda ee dagaalka ku jira Al-shabaab laguna magacaabi jiray Xuseen Dhurwaa, waxaana mas’uuliyada dilkaas sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media