Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG gudoonsiiyay 10 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii Guddiga Doorashooyinka uu horey u diwaangaliyay.
Xisbiyadaan cusub ee la diiwaan geliyay ayaa kala ah: Xisbiga Wadaniga ee Israac, Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah, Xisbiga Hayaan, Xisbiga Dhulka Hooyo, Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed, Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe, Xisbiga Astaan Qaran, Xisbiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliyeed, Xisbiga Dib-u-heshiinta iyo Horumarinta iyo Xisbiga Runta iyo Caddaaladda.
Diiwaan-geliyaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ee GMDQ Maxamed Cumar Axmed Haydara oo munaasabada ka hadlay ayaa ku ammaanay masuuliyiinta xisbiyada dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya uga dhaci lahayd doorasho xalaal ah, waxuuna kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan qaadashada shahaadada diiwaangelinta rasmiga oo ah tan doorashada lagu geli doono.
Dhinaca kale gudoomiyeyaasha xisbiyada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta ee maanta u qabsoontay.
Kumushineer Xuseen Cabdi Aadan oo munaasabada so xiray ayaa masuuliyiinta Xisbiyada kula dardaarmay inay ilaaliyaan shuruucda xisbiyada u yaala si loo gaaro hadafka ah in dalka doorasho dimoqraadi ah ka dhacdo.