Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee labada Aqal oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Guddiga doorashooyinka iyo kuwa xaqiijinta qoondada Haweenka ayaa iska xog-wareystay xaaladda doorashooyinka dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka Marwo Batuulo Sh Axmed Gaballe ayaa kulanka ka sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta qoondada Haweenka ugu yaraan 30%, isla markaana rajo wanaagsan ay ka qabaan arrintaas.
Sidoo kale Batuulo Sh Axmed Gaballe ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka dalbatay ilaalinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka, maadama loo xil saaray ilaalintooda.
Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan Cirro ayna weheliso madaxa guddi hoosaadka qoondada Haweenka ee GHDHF iyo Gudoomiyaha Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka Marwo Batuulo Sh Axmed Gaballe.