Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo khamiis ah shahaadada Xildhibaanimo Golaha Shacabka siiyay Sheekh Shariif Sh Axmed oo dhawaan ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP146, kaasi oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Jowhar.
Xildhibaan Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, maamulkiisa iyo Guddiga doorashooyinka heer gobol sida ay suura-geliyeen qabsoomida doorashada nabad ah oo daah furan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in si nabad ah ku qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ka dhaceysa Muqdisho.
“Waxaan maanta guddiga doorashooyinka heer federaal ka guddoomay shahaadada xildhibaanimo ee Golaha Shacabka BJFS kursiga tirsigiisu yahay #HOP146 waxaan u mahad celinayaa Bulshada leh kursiga oo ii gartay in aan ku matalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, maamulkiisa iyo Guddiga doorashooyinka heer gobol oo suura galiyay qabsoomida doorashada si nabad ah oo daah furan” ayuu yiri Shariif.
Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa dhawaan ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay #HOP146, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.