Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa soo saaray Liiska 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay qabashada doorashada 5 kursi oo Golaha Shacabka ah oo maalmaha soo socda doorashadoodu ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Guddiga ayaa diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee lasoo saaray la bilaabaya 2 bisha soo socota ee Febraayo 2022, isla markaana doorashada la qaban doono 3 Febraayo, taasi oo ka dhaceysa Dhuusamareeb.
Maalin kahor ayey markii Guddiga doorashada Maamulka Galmudug uu qabtay doorashada shan kursi oo mid kamid ah kuraastaas uu kusoo baxay Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon.