Golaha wasiirrada Faransiiska ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed looga gol leeyahay in wax looga qabto xagjirnimada Islaamka kaddib weerarradii is xigxigay ee dhowaan ka dhacay dalkaas.
Sharcigan oo ah mid uu muddo dheer Madaxweyne MacEmmanuelron ku doonayay in lagu joogteeyo aragtiyada cilmaaniga ku dhisan, ayaa xoojinaya shuruucda waxbarashada guryaha iyo hadallada nacaybka ku dhisan.
qaar oo ka soo horjeeda sharcigan, oo ku sugan gudaha Faransiiska iyo dibaddaba ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay sharcigan u adeegsaneyso in lagu beegsado diin.
Balse Ra`iisul Wasaare Jean Castex ayaa ugu yeeray “sharci difaacid ah” kaas oo Muslimiinta ka xoreyn doonto xagjirnimada.
Wuxuu ku adkeystay in hindisahan “aanan looga soo horjeedin diin amaba uusan gaar ahaan ka dhan ahayn Islaamka”.