Golaha Wasiiradda cusub ee Koonfur Galbeed oo la Ansixiyay

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee Koonfur Galbeed.

Kulanka 7-aad ee fadhigiisa 2-aad ayaa waxaa Goobjoog ahaa 124 xildhibaan,intaasi kadib waxaa la guda galay cod u qaadista sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada,waxaana ogolaatay ansixinta 123 Xildhibaan,halka 1 xildhibaan uu diiday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in ay ansax tahay ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Koonur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media