Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya iyo Ajendayaasha oo la shaaciyay

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro, lagana doonayo inay kasoo qeyb galaan, maadaama lagu guda jiro kulamadii ugu dambeeyay ee muddo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulankaas dhacaya ayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiin doona sida qorshahu yahay Hindise sharciyeedka Qaxootiga, waxaana kulankaas uu furmi doonaa saacadaha soo socda.

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahan yahay in dhameystiro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media