Gargaar la gaarsiinayo Dad ay saameeyeen Abaaro darran iyo xaalado kale

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada adduunka ee WFP oo ugu horreeyo Steven Were Omamo oo ah Agaasimaha guud ee hay’adda WFP ee dalka Itoobiya.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ha’yadda WFP ay uga qeyb-qaadan karto horumarinta nolosha bulshada Deegaanka, una soo gaarsiin laheyd gargaar.

Hay’adda Cuntada adduunka ee WFP ka shaqaysa gargaarka Bini’aadamtinnimo iyo horumarka ayaa Maamulka dowlad deegaanka kala hadashay qaabka cunno deg-deg ah loo gaarsiin karo bulshada degmooyinka qaar oo abaaro laga soo sheegayo.

Masuuliyiinta Hay’adda ayaa sidoo kale ballan qaaday in hadda kaddib ay ka shaqayn doonaan qaabkii loo horumarin lahaa nolosha bulshada Deegaanka, isla markaana dadka shacabka ay gaarsiin doonaan gargaar deg deg ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa abaaro darran laga soo sheegayay deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, taas oo saameyn weyn ku yeelatay dadka danta yar ee halkaas kunool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor