Maamulka Gobolka Banaadir oo wada qorshe ka dhan ah maandooriyaha

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa caasimada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Gudoomiyay shirka Totobaadlaha ah ee  degmooyinka gobalka Banaadir oo looga hadlay todobaadkaan arrimaha tacadiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed waxaa uuna ka dhacay xarunta ururka dhalinyarada gobolka Banaadir.

Inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay arrimaha  Amniga, Nadaafadda iyo ka hortaga maandooriya siiba goobaha lagu iibiyom ee ku yaala Caasimada, waxaana goobjoog ka ahaa dhammaan gudoomiye Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goob job ka ahaa saraakiisha Caiidanka Gobolka ee uu hogaaminayay taliyaha qeyb-ta guud ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha 17-ka Degmo ee Gobolka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Cumar Finish uu laamaha amniga faray inay ka howlgal ka sameeyaan goobaha lagu iibiyo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Ugu dambeyn Afhayeen Saalax Dheere ayaa waxaa uu tilmaamay in dhawaan Maamulka Gobolka iyo laamaha amniga oo is kaashanaya ay Magaalada Muqdisho ka bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah goobaha lagu iibiyo Maandooriyeyaasha, si looga hortego falalka kufsiga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media