Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinimada berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 12-ka bisha 8aad 2020, waxaa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta Golaha Shacabka.
Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in uu berri kulan jiro, ayna soo xaadinaaraa kulanka saacaddu marka ay tahay 9:00 subaxnimo.
Ajendaha ayaa looga hadli doonaa Akhrinta 3aad ee hannaanka sharciga qareenada Soomaliyeed iyo sidoo kale Akrinta warbixinta guddiga dastuurka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa waxaa ay maal-mihii danbe yeelanayeen kulamo kala duwan oo ay kaga doodeen sharciyo muhim ah, waxaana ay xildhibaanadu ansixiyeen qaar ka mid ah sharciyada la hor keenay.