Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Jabuuti oo labaduba ka mid ah Ciidamada AMISOM ay Wadada u galeen rag ka tirsan Al-Shabaab,waxana halkaasi mudo ka socday dagaal Saacado qaatay.
Dadka ku nool duleedka Bari ee degmada Baladweyne oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen hubka la isku adeegsanayay dagaalkaas,isla markaana ay cabsi soo wajahday.
Weli khasaaraha ka dhashay dagaalkaas kama hadlin saraakiisha Ciidamada dowladda iyo masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle ,balse Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen baraha Internetka waxa ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen Afar Askari.