Wasiirada Maaliyadda DFS  iyo Dowlad Goboleedyada oo kulmay

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaha shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda dhexe,dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka iyo sidii wadajir looga wadashaqeyn lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale xoojinta arrimaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa ku wehlinayay wasiiru-dowladda wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda,waxaana goob joog ka ahaa wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir  Axmed Xasan iimaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media