Golaha Ammaanka ee QM oo cambaareeyey Tijaabadii Gantaalka ee Waqooyiga Kuurya.

Xubnaha Golahaasi oo Kulan Khaas ah ka yeeshay Gantaalladii ay Waqooyiga Kuurya tijaabisay ayaa sheegay inay Tallaabadaasi wax u dhimi karto Deganaanshaha Caalamka.

 

Codsi ay Dowladdaha Maraykanka iyo Japan u gudbiyeen Golahaasi ayaa lagu sheegay inay Tijaabadaasi xadgudub ku tahay Qaraarkii Dowladda Waqooyiga Kuurya looga mamnuucay Tijaabinta iyo Horumarinta Teknoolajiyadda Gantaallada.

Milliteriga Waqooyiga Kuurya waxay Isniintii tijaabiyeen 4 Gantaal oo 3 ka mid ah ay ku dhaceen meel ku dhow Xeebaha dalka Japan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media