Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Degmada Afdamoow ee Gobolka Jubbada Hoose gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland,iyagoona fuliyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa waxa uu sigaar uga dhacay inta u dhexeysa Magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo oo isku jira 120 kiilo mitir ah,iyadoona ay fuliyeen Ciidaankii loogu talo galay in Al-shabaab ay ka xoreyaan Gobolka Jubbada dhexe ee dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana lagu qaaday isbaarooyin yaalay halkaasi.
Sidoo kale Maanta waxaa deegaano ka tirsan Juubaland ka bilowday howlgalkii dhawaan uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ku dhawaaqay,isla markaana laga xoreynaayo deegaanadda ay gacanta ku hayaan Al-Shabab gaar ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin Caasimadda dowlad goboleedka jubbaland ee Bu’aale.
Guddoomiyaha Degmada Afdamow ee Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Dhaqane Cabdi oo la hadlay Dalsan Caawa ayaa waxa uu u sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland iyo gaadiid dagaal oo ka yimid dhinaca  Magaalada Kismaayo Maanta ay gaareen Degmadaasi,iyagoona u sii gudbi doona dhinaca iyo degmada Bu’aale iyo deegaanada hoostaga.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Ciidamada Bartilmaameedkoodu yahay Caasimadda dowlad goboleedka jubbaland ee Bu’aale halkaasi oo ay ka sameeyn doonaan howlgal ka dhan Al-shabaab,isla markaana looga saarayo Caasimadda dowlad goboleedka jubbaland ee Bu’aale iyo deegaano kale oo muhiim ah.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan ku dhawaaqay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab,iyadoona la diyaariyay Ciidamadii fulin lahaa howlgaladaasi.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Afmadoow.