Eedeysanayaal Maraykan qarxin lahaa Dhismo ay dad Somali degganaayeen oo dacwadooda dib loo dhigay.

Garsoore Federal oo lagu magacaabo Eric Melgren ayaa sheegay in Dacwadaasi dib loo dhegeysan doono muddada u dhexeysa Bisha April 25-da ilaa bisha June 13-da.

3 Eedeysane ayaa loo haystaa inay qorsheynayeen inay qarxiyaan Dhismo ay Dad Somali ah deggan yihiin oo ku yaalla Degmadda Garden ee Gobalka Kansas ee dalkaasi.

2 ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa codsaday in dib loogu dhigo Dacwadda, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin waqti dheeri ah.

Eedeysanaha 3-aad ayaa isaga diiday in Dacwadda dib loogu dhigo, kuna baaqay in Dacwadda hadda la qaado.

Eedeysanayaasha waxaa bishi iOctober ee sannadkii hore lagu soo oogay inay haysteen Hub khasaaro ballaaran geysan kara iyo inay doonayeen inay qarxiyaan Dhismo Deegaan ah iyo Masjid ku yaalla magaalladda Garden.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda FBI ayaa ku raad-joogtay Eedeysanayaasha muddo 8 bilood ah, iyagpp haystay hub iyo rasaas aad u badan.

Saddexda Eedeysane oo ka tirsan Koox Xag-jir Kirishtraan ah waxay diideen inay qirtaan Dembiga lagu soo oogay,

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media