Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ ee magaalladda The Hague ee dalka Holland ayaa la filayaa inay dib u bilowdo Dhegeysiga Kiiska Dhegeysiga Dacwadda ay Kenya ku sheeganayso qeyb ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia.Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa bilaaban doonta bisha September 9-da ee sannadkan 2019-ka, waxayna socon doontaa muddo 4 maalmood oo ku eg isla bisha September 13-da.
Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ waxay shalay oo Talaado ahayd baahisay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi, iyadoo Dowladda Kenya ka walaacsan tahay Go’aanka la filayo inay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo, kaasi oo loo badinayo in Somalia loo xukmin doono xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.
Maxkamadda ICJ waxay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi ku sheegtay in maalinta Koowaad ee Dhegeysiga Dacwadaasi ay Somalia hor imaan doonaan Xeer-beegtida ICJ, iyadoo Kenya la filayo inay Maxkamadda hor tagaan bisha September 11-da.
Sidoo kale, Somalia waxay mar kale hortegi doontaa Maxkamadda iCJ isla bisha September 12-da, halka Kneyana la filayo inay mar kale hortagaan Maxkamadda isla bisha September 13-da.
Dowladda Somalia waxay dacwad ka dhan ah sheegashada Kneya u gusbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ bishi iAugust ee sannadkii 2014-kii, iyadoo ku eedeysay inay Dowladda Kenya sheeganayso boobna ku hayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay ku hungoobi doontaa sheegashadeeda ku aadan Lahaanshaha xuduud ballaaran oo dhan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah Badda Somalia.