Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.
Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Mursal iyo Safiirka Ingariiska ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada dalka.
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa sigaar uga wada hadlay heerka uu maraayo u diyaar garowga doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo.
Midowga Yurub ayaa uu aad u taageero Soomaaliya Dowladda Ingiriiskana ay xubin ka tahay midowga Yurub.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka uu la qaatay Ben Fender waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan dowladda.