Garsoore ayaa xabad isku dhuftay isagoo ku jira gudaha maxkamadda ka dib markii uu jeediyay khudbad dhif iyo naadir ah oo ku saabsan habka cadaaladda ee dalkaasi.
Kanakorn Pianchana ayaa siidaayay shan nin oo Muslimiin ah oo loo haystay inay dil geysteen ka hor inta uusan ku baaqin cadaaladd aan dhanna u jenjeerin. Ka dibna waxa uu akhriyay dhaar sharciga waafaqsan, waxa uuna la soo baxay bistoolad, feeraha ayuuna iska toogtay.
Balse garsooraha ayaanan dhiman oo waxaa loola cararay isbitaalka, halkaasi oo haatan lagu dabiiyayo.
Warbxin la aaminsan yahay inuu qoray xaakimka inta uusan gaarin go’aanka lagu sii daayay raggaasi Muslimiinta ayaa muujinaysa in isku daygiisa dil uu la xiriiro faragelin lagu sameeyay kiiskaasi.
Garsooraha ayaa wuxuu ka shaqeeynayay maxkamadda Yala oo ku taalla Thailand.
Ka dib markii uu sii daayay shanta nin ee loo haystay dilka iyo inay hub haysteen ayuu maxkamadda khudbad caro ka muuqato ka jeedayay taas oo uu si toos ah uga tabinayay barta Facebook.