Maamul Goboleedka Puntland ayaa Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ku wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa maamulkiisa si rasmi ah loogu wareejiyay shirkadda TISL oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Gebiley iyo Madaxa shirkadda TISL ayaa heshiish ku saabsan wareejinta maamulka iyo shaqada garoonka ku kala saxiiday Dubai ee dalka Imaaraatka, iaydoo la sheegayo in Shirkadda TISL oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta  ay ballaarin iyo horumarin ku samayn doonto garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Waxaana xusid mudan in horay maamulka Puntland uu Shirkadda DP-World oo laga leeyahay Imaaraadka hore loogu wareejiyey maamulka dekedda Boosaaso.