Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo la xiray

Wararka Iadacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka heyso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la xiray garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Amarka lagu xiray ayaa yimid kadib markii Talaadadii lasoo dhaafay garoonka magaalada Beledweyne ay ku burburtay Diyaarad raashin u wadday ciidamada AMISOM xilli ay doonaysay in ay ku degto garoonka.

Ma jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay bur burka diyaaraddaas oo gebi ahaanba dabkii ka kacay ku bas beeshay,waxaana lagasoo badbaadiyay 3-ruux oo saarnaa oo lab aka mid ah ay ahaayeen duuliye iyo caawiyihiis.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa bilowday baaritaano kala duwan oo ku aaddan waxa sababay shilkaas diyaaradeed,waxaana warar soo baxay ay sheegayeen in sabab ay u aheyd dhabaha ay ku ordain diyaaradaha oo Dameer uu soo galay xilli diyaaraddu ay cagaha la baxday damacdayna in ay degato markii duuliyihu ka leexiyay Dameerkaasna ay diyaaradda dab kla akacay.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya oo ugu horeeyo agaasimaha duulista ra’yidka ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen in si KMG ah loo xiro garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media