Galmudug oo War kasoo saartay Ciidamo iyo gaadiid lagu wareejiyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa lagu wareejiya dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo maalmo kahor weerar ka geysatay fariisin ciidanka Danab ee XDS ay ku leeyihiin duleedka Koofurta Gaalkacyo.

Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 gaari oo wasiir Fiqi horkacayey ayaa xalay saqdii dhexe gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo kasoo ambabaxay tuulada Saaxo Qurux oo degmada Goldogob ka tirsan.

Galmudug ayaa sheegtay in Ciidamada iyo gaadiidka ay ka mid noqon doonaan ciidamada daraawiishta Galmudug, iyada lagala xisaabtami doono, baaritaanna lagu samayn doono ciddii ka mas’uulka ahayd weerarkii iyo falkii lagu weeraray saldhigga ciidanka Danab ee Gaalkacyo ka dhacay Sabti 23 May 2020.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay taliska saraakiisha iyo ciidamada XDS ee ka qeyb qaatay kaalin xasilinta magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan deegaanada Galmudug.

Ciidanka Maleeshiyaadka ee lagu wareejiyay Galmudug iyo Ciidanka Daban ee Xoogga dalka ee ku sugan Gaalkacyo ayaa waxaa dhawaan dhexmaray dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media