Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac ayaa daahfuray Sheybaar Cusub oo markii ugu horreysay laga hirgeliyey Galmudug gaar ahaan Isbitaalka Isbitaalka guud ee Magaalada Dhuusamareeb.
Wasiir Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug laga daah-furey Sheybaar lagu baaro Cudurka COVID-19, wuxuuna tilmaamay in baaritaanka Cudurka uu muddooyinkii dambem ka heysatay dhibaatooyin badan.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cabdiweli Jaamac ayaa waxaa uu tilmaamay in markii horey qofkii laga baaro Cudurka dhiinaankii kiisa diyaarad looga qaadi jiray Galmudug, taasi oo lagu geyn jiray Muqdisho, si loo baaro, kadibna Natiijada, dib loogu celin jiray.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Hey’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo dhammaan intii Galmudug ka taageertay taabagelinta sheybaarka lagu baaro COVID19, wuxuuna xusay in looga maarmi doono Baaritaankii loo qaadi jiray Muqdisho.