Fagaaro ku yaalla Magaalada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud waxaa iskugu soobaxay boqolaal shacab ah oo u soo diyaar garoobay daawashada qisaasta nin gacan ku dhiigla ahaa oo horay qof u dilay laguna xukumay dil hase’ahaatee waxaa dhacay wax aan la filayn.
Markii lagu soo xaadiray fagaaraha lagu fulin lahaa qisaata isla markaan ay soo xaadireen shacabkii daawashada u soo diyaargaroobay iyo ciidankii fulin lahaa xukunka lana keenay goobta ninkii xukun sugaha ahaa ayaa la sheegay in mid ka mid ah ehelka qisaasta loo fulinayay uu dalbaday in la joojiyo diyana laga siiyo.
Qisooyinka noocaan oo kala ah ayaa dhif iyo nadir ku ah Somalia waxaa inta badan dadka maxkamaduhu xukumaan ay u dhacaan sidii loogu talagalay laguna fuliyaa.