Koox hubeysan oo daacad u ah janaraalka mucaaradka ah, Khalifa Haftar, ayaa ku dhawaaqay inay si ku meel gaar ah xayiraadda uga qaadeen saliidda Liibiya oo xayiraad la saaray bishii January.
Tallaabadan ayaa oggolaan doonta ka ganacsiga saliidda hore u keydsaneyd, balse kuma jirto soo saaridda saliid cusub.
Xayiraadda ayaa saameyn ku yeelatay korontada taas oo sababtay in Libya ay lumiso lacag ka badan $8bn (£7bn) oo ay ka heli jirtay dhoofinta.
Xiritaanka goobaha laga soo saaro saliidda ayaa loola dan lahaa in cadaadis dhaqaale lagu saaro mucaaradka janaraalka Xaftar ee dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee saldhiggeedu yahay Tripoli.