Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya waxaa uu iska horimaad uu ku dhexmaray Isgoyska Maana-Booliyo ee Magaalada Muqdisho.
Iska horimaadkan ayaa dhexmaray Ciidamo Milateri iyo kuwo ka tirsan Booliska Soomaaliya,isla markaana isku adeegsaday hubka culus,iyadoona laga maqlayay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa goobta uu falkaan ka dhacay.
Sidoo kale iska horimaadka ayaa waxaa lagu gubay gaari nooca dagaalka uu ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Xildhibaanada Golah Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,kaasi oo lagu dhuftay Bam Bacmeed.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegan in marka hore uu dagaalku ku bilowday,kadib markii Ciidamo Milateri ah oo watay gaadiidka nooca dagaalka kana yimid dhinaca degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay isku dayeen inay maraan Wadada,waxaana ka diiday Ciidamo Boolis ah oo ku sugaa isgoyska Maana-Booliyo,sidaasina uu ku bilowday dagaalka.
Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay iska horimaadka oo labad kamid ah ay yihiin Ciidankii dagaalmay,halka labada kalena ay ahaayeen dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa halkaasi.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii galabta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo ee Magaalada Muqdisho