Farmaajo oo War kasoo saaray geeridii ku timid Xildhibaan Boonoow

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ahaa Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Boonoow waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor