In ka badan 250,000 qof ayaa saxiixay Codsi-wadareedka lagu dalbanayo in lagu sii daayo Suxufiyiintaasi oo la xiray wixii ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii July ee sannadkii hore.
Hay’adda Amnesty International ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay inay Codsigaasi saxiixeen Suxufiyiin, Farshaxanistayaal iyo Fannaaniin, kuwaasi oo Dowladda Turkiga ku booriyey inay ilaaliyaan Xorriyadda Hadalka.
Hay’adda Amnesty International, Salil Shetty ayaa ugu baaqay Dowladda Turkiga inaysan si aan shuruud lahayn oo degdeg ah ku sii daayaan dhamaan Suxufiyiinta xiran, ai ay u guda-galaan Hawshoodii Suxufinimo.
©Radio Dalsan