Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Tamim Bin Hamad ayaa khadka telefoonka isku dhaafsaday Hambalyadda Munaasibada Ciida.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amiirka Dowladda Qarat Iyo Shacabkiisa urajeeyey in Rabbi sanadkan sanadkiisu ku Gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Horumar.
Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Dowladaha xiriirka wanaagsan la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Qatar ay galaan-gal siyaasadeed oo xooggan ay ku leedahay Siyaasadda Soomaaliya, xili dhawaan ay Ergay cusub u soo dirsatay Soomaaliya.