Wareysi:-Sidee ayuu u dhacay Qarixii dhaqaatiirta Ajaanibta ku dhaawacmeen ee Muqdisho?

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa gaari laga leeyahay Isbitaalka Muqdisho City Hospital ay la qaraxday kadib markii gaarigaas miinada nooca dhejiska ah lagu dhejiyay.

Qaraxa ayaa dhacay xilli Gaariga uu taagnaa banaanka hore ee Isbitaalka,markii ay dhaqaatiir gaareysa 5 una dhashay dalka Siiriya ay ka yimaadeen Garoon ay ku ciyarayeen Kubadda Cagta.

Mid ka mid ah Howl-wadeena Isbitaalka oo wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa waxa u sheegay in Dhaqaatiirta u dhalatay dalka siiriye ay ka yimaaden goob lagu Ciyaaro Kbadda Cagta,isla markaana markii ay gaariga kasoo dageen 4 ka mid ah dhaqaatiirta midkii 5aad ee saarnaa lagu qarxiyay.

Waxa uu sheegay in qeybta dambe ee Gaariga ay wateen Dhaqaatiirta lagu xiray,isla markaana qaraxaas uu dhaawac culus kasoo gaaray mid ka mid ah Dhaqaatiirta oo Magaciisa uu ku sheegay Maxamed gacan iyo lugna ay ka Go’een.

Mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho ayaa la geeyay dhaqtarka ku dhaawacmay qaraxaas,si loo daweeyo.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga wareysiga oo dhameystiran.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor