• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Ma u sahlanaan doontaa doorashadda Madaxweynaha cusub sida ay Murashixiinta ku sahwinayaan ?

Bilan Media by Bilan Media
January 29, 2017
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
5
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Turunturo-siyaasadeed,  Qabanqaabo isbaaradaysan iyo Xil-gudasho caga-jiid leh ayaa sababtay in la taaba-gelin waayo Doorashadda Tooska ah ee Qof iyo Codkiisa iyo in lagu seeto dheerayo caqabadaha siyaasadda ee dib-u-dhaca baahsan u keenay dadka iyo dalka Somalia.

Waa hubaal in la soo maray maraaxiil kala kaan ah iyo muran siyaasadeed oo aan dhamaad lahayn iyo inuu Mas’uul kasta u ololeeyo Danahiisa, Danaha Beeshiisa ama Kooxda uu Isbahaysiga la yahay.

Waa Dabeecad Siyaasadeed in Loolan muuqda iyo midka dahsoon lagu hardamo, haba ugu darnaadee xilligan oo ay Somalia ku jirto Xaallad cakriran oo khatarteeda leh.

Waxaana la taagan yahay Xilli Kala-guur ah oo wax kasta la filan karo, isla markaana ay dhici karto in Dabaysha Siyaasadda isku rogto Jiho aan maanka lagu haynin.

Soomaalida oo keliyana lagama filan karo Calawsanaanta Xilliga Kala-guurka, balse Dowladaha nagu hareeraysan iyo kuwa Danleyda ah ayaa indhaha ku haya Xaalladda Somalia iyo Natiijadda ka soo bixi doonta Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu madalsan yahay in lagu kala baxo bisha soo socota ee February 8-da, hadduusan isbedel kale ku imaanin Jadwalka sidii horeyba u dhici jirtay.

Murashixiinta Madaxtinimadda ayaa badankooda is-diiwaan geliyey, misna shubay Kharajkii Doorashadda, waxaana la siiyey Shahaadadii Aqoonsiga Murashaxnimo.

Ololahooda Doorashadda ayaana weli socda, iyadoo Murashax kasta xoog iyo xoolo ku bixinayo Loolanka Madaxtinimadda, waxaana hubanti in Musharax waliba  xodxodasho iyo Beer-laxawsi caynba cayn ah ku qancinayo Xildhibaanadda BFS oo iyagu laga sugayo inay u codeeyaan Murashaxa ay u arkaan inuu u qalmo xilka Madaxweynaha soo socda ee Somalia.

Doorashaddan ayaan u sahlanaan doonin sidii Doorashaddii ay Xildhibaanadda Labada Gole ku soo baxeen, iyadoo la og yahay inay Doorashadaasi ku dhacday sifo aan 100% ahayn Doorasho Hufan oo Nadiif ah.

Khubarada falaanqeeya Siyaasadda ayaa rumeysan in Murashaxiinta Madaxtinimadda galangal iyo xodxodasho badan ugu jiraan si ay guul uga helaan maalinta Cod-bixinta, lamana saadaalin karo Murashaxa calfan  doono Xilka Madaxweynaha cusub ee JFS.

Qoddobka kale ee culayskiisa leh ayaa ah Murashaxa loo doorto Madaxweyne ma noqon doona Hoggaamiye ka gudbi kara Caqabadaha ku soo burqan doona isla marka loo dhaariyo Xilkaasi?

Waa hubaal inuu Madaxweynaha cusub kala kulmi doono Jaalkiisa  iyo Mucaaradkiisa Siyaasadda  culysyo badan oo isugu jira naqdin iyo mucaarado taagan.

Silsiladaha Caqabadaha ee ku soo faruurmi kara waxaa ka mid ah:  Xulashadda Ra’isul-wasaaraha, Qancinta Awood-qeybsiga Maamulka ee Nidaamka 4.5, Jaangoynta Siyaasadda Qaranka, La-dagaalanka Musuqa, Qabyaalladda, Caddaalad-xumida, Gogol-xaarka Hawlaha  Dowlad-wanaagga,  Hufnaanta Maamulka Maaliyadda, Daryeelka iyo Xuquuqda Mushaaraadka ka maqan Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda, Soo-celinta Adeegyadda Bulshadda, Ammaanka, Baahinta Maamulka, Xoojinta Xiriirka Dowladda Dhexe ee Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda, Ganacsiga Xorta ah, Shaqo-abuurka Dhallinyarada, W/barashadda iyo Aragtida cusub ee lagu wajahayo Diplomaasiyadda Caalamka iyo Kalsooni-siinta Beesha Caalamka.

Madaxweynaha cusub waxa hubaal ah inuu Mowjado Mooshin ah  kala kulmi doono Xildhibaanadda, gaar ahaan Mudanayaasha xirfadda u leh Mooshin Abuurka ee xil-ka-qaadista ah.

Khubarada waxay kaloo walaac ka muujinayaan inaan Isbedel lagu samaynin Qoddobadda Dastuurka ee ka dhasha Shilalka Madaxweynaha iyo Ra’isul-waaraha, iyadoo la og yahay in Khilaaf kasta ololkiisa ka kici jirey Kala-qeexsanaan la’aanta Awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.

Waa hubaal inuu  Madaxweynaha soo socda si fudud ugu le’di doonin Villa Somalia, una tooxsan karin Maamulka iyo Maaliyadda, waana khatar haddii Madaxweynuhu noqdo Igar-madaxeed ku turunturooda Xilka Qaranka ee lagu aaminay.

Waxaa Kaaf iyo Kala-dheeri ah sida ay Murashixiinta Madaxtinimadda ku sahwinayaan iyo Xilka Adag ee Madaxweynaha cusub ku faa’isi karo ama ku simbirixan karo.

Haddaba, Murashax Madaxweyne xisaabtankaaga iyo sahwintaada haatan ma u sahlanaan doontaa marka la eego  culayska Xil-gudashadda ee hor yaalla Madaxweynaha 10-aad ee JFS ?

©Radio Dalsan

 

Previous Post

Qodob ka mida shuruudaha Doorashada Madaxweynaha oo la isku heysto [WARBIXIN]

Next Post

In ka badan 100-qof oo lagu dilay iska horimaadyo iyo duqeymo ka dhacay Yemen.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika
Warar

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

July 10, 2025
Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
Next Post

In ka badan 100-qof oo lagu dilay iska horimaadyo iyo duqeymo ka dhacay Yemen.

78 Somali Students Graduate from Turkey’s Ostim Technical University in Milestone Ceremony

78 Somali Students Graduate from Turkey’s Ostim Technical University in Milestone Ceremony

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Ankara, Türkiye - In a proud moment for Somali education and international cooperation, 78 Somali students were among the graduates honored during the 2025...

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Ankara, Turkey – In a significant diplomatic engagement underscoring the enduring bond between Somalia and Turkey, Somali President Hassan Sheikh Mohamud...

Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border

Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border

by Ilhaan
July 12, 2025
0

MOGADISHU  – In a high-level meeting at the headquarters of the Somali Disaster Management Agency (SoDMA) in Mogadishu, the Vice...

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

by Liban
July 11, 2025
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdisalam Abdi Ali, met with Nigerian Foreign Minister Ambassador Yusuf Maitama Tuggar...

78 Somali Students Graduate from Turkey’s Ostim Technical University in Milestone Ceremony
English News

78 Somali Students Graduate from Turkey’s Ostim Technical University in Milestone Ceremony

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting
English News

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border
English News

Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit
English News

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure
English News

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award
English News

Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • 78 Somali Students Graduate from Turkey’s Ostim Technical University in Milestone Ceremony
  • Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting
  • Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border
  • Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00