• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Faallo): Xikmadda Mooshin-jecelka iyo Khatarta Qaran ee ka dhalan karto !!!

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 19, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Siyaasi kasta oo dareen Waddanimo leh, waxa uu garwaaqsaday in aysan Aragti habboon ahayn in xilligan la dhoodhoobo Mooshin lagu doonayey in lagu abuuro Qalalaase Siyaasadeed iyo Marin-habaabin khatar laga dhaxli karo.

Calaw-siyaasadeed baana la dareemay muddadii ay Xildhibaanadda sheegeen inay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, u gudbiyeen Guddoonka Barlamaanka.

Tiradda  Xildhibaanadda la sheegay inay saxiixeen Mooshinkaasi oo u badan Xildhibanaadda mashruuca ka dhigtay Mashruuca Mooshin-jecelka ayaa  u muuqda kuwo aan ka baaraan deign maxsuulka ka soo bixi kara Mooshinka ay iclaamiyeen.

Waa hubaal in ay Xildhibaanaddu sababo dahsoon u cuskadeen Eedeymaha ku sidkan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Dowladda Federalka, waxaana muuqata in laga dareemayo Mooshin lagu degdegay amaba laga leeyahay ujeedooyin ay ku doonayaan  in la af-garto  iyo Gorgortan Siyaasadeed, Xil, Maamul iyo xaallado kale oo lagu soo koobi karo Jiilaalka Siyaasadeed.

Wareysiyadda ay Xildhibaanadda Mooshin-jecelka bixiyeen marka loo kuur galo waxay u muuqdaan inay cuskadeen Qoddobo aan loo haynin qiil dhamaystiran oo uu ansax ku noqon karo Mooshinkooda.

Waxaa hubaal inay cuskadeen qoddobo ka baxsan Xadkooda, isla markaana ay Farageliyeen Hawl loo idmaday Hay’addo Qaran.

Tusaale ahaan, Arrinta Ciiddamadda iyo Mushaarkooda waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Difaaca iyo Hoggaanka Ciiddamada Qaranka, marka ma muuqato sababo ay Xildhibaanadda ugu il-duufaan Sharciga, mar hadday iyagu ku magacaaban yihiin Sharci-dejiyayaal Qaran.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii ay Xildhibaanadaasi wehel u noqdeen Daruufaha Jiilaalka Siyaasadeed, kuna daaleen Kuraasta Barlamaanka inay leeyihiin Garowshiyo muuqata.

Haddiise ay Xildhibaanaddu ka tahay Mooshinka  Isbaaro-siyaasadeed, waxay taasi muujin karta inay  ku turunturoodeen Masraxa  Siyaasadda Qaranka, isla markaana aysaan  rajo dambe ka lahayn in lagu aamino Xil Qaran.

Xildhibaanadda u ololeynayo Moshinka ka dhanka Madaxweynaha, waxay u muuqdaan kuwo aan ka  baaraan deign Istaraatijiyadda noocaasi ah iyo Dayaca Danaha Qaranka ee ka dhalan karta  haddii ay ku guuleystaan inay Madaxweynaha casilaan.

Waxtar Siyaasadeed kama dhalan karto haddii ay Xildhibaanaddaasi ku adkeystaan in lagu taageero in Madaxweynaha la casilo, waana hubaal inay dhaqan siyaasadeed ka dhigtaan Mooshin-jecelka ilaa ay hawlgab ka noqdaan Mudanayaasha Barlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Halbeeg kasta oo la saaro Xikmadda Xildhibaanadda Mooshin-jecelka  waxaa la dhihi karaa waxay u muuqdaan kuwo ku adkaysanayo  Danahooda Khaaska ee ku dhisan Cad-yahow ku cunay ama ku ciideeyey oo kale.

© Radio Dalsan

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay Baarlamanka iyo Xukuumadda inay dardar geliyaan hawlaha qaranka’

Next Post

Maalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day oo maanta loo dabaal-degayo

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Next Post

Maalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day oo maanta loo dabaal-degayo

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

by Liban
May 11, 2025
0

Koogaar (also known as Burdheere), Middle Shabelle Region – Two civilians were killed early this morning in a targeted attack...

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

by Liban
May 11, 2025
0

MOSCOW / KYIV / ISTANBUL —Russian President Vladimir Putin has declared his readiness to engage in direct peace talks with...

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa...

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

by Liban
May 11, 2025
0

Washington, D.C. – In a major diplomatic shift with wide-reaching geopolitical consequences, the United States is on the brink of...

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
English News

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
English News

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
English News

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

"Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS"

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
  • Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
  • Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
  • Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00