Waa hubaal in Xilli-guur Siyaasadeed iyo Maamul la galayo, waana xaqiiqo in Xilli-hawleedkii Dowladda Federalka iyo Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ka idlaaday Xilligii ay sutida u hayeen Mareynta Masiirka Dowladeed ee dalka.
Waana qiyaas sawir cad ka bixinayso haddii la doorto Guddoonka cusub ee Golaha Shacbiga ee Barlamaanka 10-aad inuu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka ka ddegi doono, isla markaana uu ka war sugayo Natiijadda uu ka helo Loolanka Murashixiinta Madaxtinimadda ee la filayo in la qabto Bartamaha bisha soo socoto ee Janaayo 2017-ka.
Waana caqli-gal inuu dib-u-dhicii 5-aad ku imaan karo Doorashadaasi, iyadoo laga ambaqaadayo qaabka ay wax u socdaan iyo Xarig-jiidka Siyaasadeed ee u dhexeeya Beesha Caalamka iyo Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka (NLF).
Raad-raacyadda Xilliga Kala-guurka Maamul Siyaasaadeed waxaa laga fahmi karaa in Mas’uulka xilka hayo inuu jecel yahay in mar kale Xilka loo soo doorto, waana caadi in Damaac-siyaasadeedkaasi noqoto Meerto ay adag tahay in laga laba-labeeyo.
Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga ku soo baxay Doorashaddii 2012-kii ayaa waxa u dhamaatay 4 sanno iyo 4 bilood oo dheeraad ah, wuxuuna ku talamayaa in mar Labaad loo soo doorto Kursiga Madaxtinimadda ee dhex qotoma Villa Somalia.
Sii-hayaha Madaxweynaha waxa uu Hal-hayska Ololihiisa Murashaxnimo ka dhigtay: Qabyo Ninkeeda ayaa dhamaystira, balse Murashixiinta mucaaradsan ayaa su’aal ka keenay arrintaasi, iyagoo rumeysan in DFS ku fashilmeen Fulinta Qorshaha Hiigsiga Qaranka.
Siyaasiyiinta ka madax-banaan Qeybaha Is-maand-diidsan ayaa rumeysan in la joogo Xilli Kala-guur oo loo baahan yahay in Madax cusub iyo Hoggaamin cusub la doorto, si loogu gogol-xaaro Barnaamijka Qaranka ee dhinacyadda Nabadda, Horumarka iyo sidii loogu gogol-xaari lahaa Doorashadda Qof iyo Codkiisa ee sannadka 2020-ka.
Xilligan la joogo, waxaa la dhidbay Barlamaan ka kooban Laba Aqal, isla markaana ka muuqaal iyo xaallad duwan Barlamaankii 9-aad iyo kuwii ka sii horreeyey.
Waa Barlamaan Xildhibaanadiisa marjac u noqonayo Maamul-gobaleedyadda dhisan, iyadoo Madaxda Maamulladaasi iyo Madaxda kale ee Madasha Qaranka geed-fadhi u yihiin Talo-gaarista Xildhibaanadda haatan loo dhaariyey Mansabka Qaranimo.
Waana hubaal in caqabado badan la soo dersi doonaan Ambaqaadka Xildhibaanadda Labada Aqal, gaar ahaan Aqalka Hoose ee caadi ahaan miisaanka go’aan gaarista leh ee Golaha Shacbiga Qaranka.
Marka eegmo lala raaco Xildhibaanadda Golaha Shacbiga waa hubaal inay kala duwanaansho xooggan ka dhex jirto, hadday noqon lahayd Aqoonta, da’da, Xilka, Khibradda iyo Mas’uuliyadda Dhaqanka Siyaasadda iyo Maamulka.
Waana xaallad la hubi karo inay isla jaan-qaadi Karin Xildhibaanadda rug-caddaaga, kuwa khabiirka ku ah Mooshinada iyo Xiisad Abuurka iyo Xildhibaanadda Curdanka ku ah Siyaasadda iyo Xilka Qaranka, kuwaasi oo u baahan Gardaadin iyo Carbis si ay Waaya-arag ugu noqdaan Siyaasadda calawsan iyo Hardanka Taagan.
Inkastoo Xilddhibaanadda la dhaariyey, haddana waxaa laga dareemi karaa inay kaa wada siman yihiin Cadiifadda la xiriira Nin Jeclaysiga, Kooxeysiga iyo Isbahaysiga Beeleed, waxayna intooda badan haatan isla qaateen Murashaxa ay u codeyn doonaan.
Waana xaqiiqo jirta in Xildhibaanadda ku milan tahay Dareen Beeleed iyo Danno Isbahaysi, waxaana taasi laga daallaan karaa sida ay Xildhibaanadda Maamul-gobaleedyadda uga dhex muuqdaan Shirarka Murashxiiinta Madaxtinimadda oo iyagu Ololahooda ka marnayn Beer-laxawsi Beeleed iyo mid Isbahaysi.
Xildhibaan kasta isagaa u madax bannaan inuu codkiisa siiyo Murashaxa uu taageersan yahay, waxaase caddaalad-darro noqon karta haddii Doorashadda Madaxtinimadda lagu jiheeyo Doorasho Cod beeleed siyaasadaysan.
Si kastaba ha ahaatee, Hayinka Dowladnimadda Somalia ayaa marin habaabin ku dhici karta haddii ay Xildhibaanadda marin habaabiyaan Dhaarta iyo Cod-biixnta Madaxtinimadda oo asaas u ah Masiirka Ummadda iyo Danaha Qaranka.
Balse, waxaa isweydiin mudan Xaggee ayey Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ku furi doonaan dhaanka Mas’uuliyadda ay u dhaarteen?
©Radio Dalsan