Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu kulan Deg deg ah isugu yeeray Xubnihii golaha Wasiirada ee kalsoonida lagala laabtay.
Xubno ka mid ah Golahas oo ka maqnaa Magaalada Garoowe ayaa lagu amray in ilaa iyo Gelinka dambe ee Maanta ay soo gaaraana Garoowe,lamina oga waxyaabaha uu kala hadli doono Madaxweyne Gaas.
Wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu ka biyo diiday talaabada ay qaadeen Golaha Wakiilada Puntland,in kastoo weli isaga uusan ka hadlin.
Waa markii ugu horaysay tan iyo markii la Aas Aasay Puntland ay tilaabo noocan oo kale ah ay qaadaan Baarlamaanka Puntland oo halmar ay mooshin ka keenaan Xukuumad Shaqaynaysa.