• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 3, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Faallo: Waa Noocee Halbeega Meeqaamka Musharixiinta Madaxtinimadda!!!?

Bilan Media by Bilan Media
July 20, 2016
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mansabka Madaxtinimadda ayaa loo wada arkaa mid uu Musharax kasta u xusul-duubayo, iyadoo Shaqsiga xilkaasi mar ku soo nolol qaatay uusan jeclayn inuu isaga huleelo Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia oo la dhihi karo waa Dhaxal Qaran.

Waxaa isweydiin mudan Maxay inta badan Musharixiinta u hiigsanayaan Xilka Madaxweynaha, oo  Soomaali  oo idil aan u wada qeybsami Karin.

Haddaynu milicsano Liiska Madaxweynayaashii xilalka isaga dambeeyey ee nolosha Villa Somalia iyo Kursiga Madaxweynaha sannooyin badan ku soo naalootay waxay kala yihiin:-

  1. Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1960-kii ilaa 1967-dii.
  2. Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke, xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1967-dii ilaa 1969-kii.
  3. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1969-kii ilaa 1991-kii
  4. Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1991-kii ilaa 1995-kii.
  5. Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2000-kii ilaa 2012-kii.
  6. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2008-dii
  7. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2012-kii
  8. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilka qabtay sannadkii 2012-kii ilaa laga gaarayo bisha September ee sannadkan

MADAXWEYNAYAASHII SOO MARAY DALKEENNA

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilli-hawleedkiisa Dastuuriga ku ekaanayo ilaa laga dooranayo Madaxweynaha xilligan waxa uu ku rajo weyn yahay inuu mar Labaad ku guuleysan doono Xilkaasi.

Haatan, ilaa Tobaneeyo Musharixiin ayaa bilaabay Ololahooda Doorashadda ee Madaxtinimadda, kuwaasi oo doonaya inay Siyaasadooda iib geeyaan iyo inay ku guuleystaan Doorashadda Madaxtinimadda oo lagu wado in loo codeeyo bilowga bisha September ee sannadkan.

Musharax kasta waxa uu sheegaa inuu diyaarsaday Ambaqaadka Qorshahiisa Shaqo ee  uu ku hagi doono Dadka iyo Dalka Somalia, waaba haddii loo doorto Madaxweynaha soo socda ee Somalia.

Ajenda kasta oo ay Musharixiinta yool ka dhigtaan si ay u hiigsadaan Kursiga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa u muuqata mid qiimo SIyaasadeed leh, inkastoo aysan Doorashadu ahayn mid Furan oo ay Muwaadiniinta Soomaalida si xor ah ku dooran karaan Musharaxa ay u arkaan inuu u  qalmo Xilka Madaxweynaha 9-aad ee Jamhuuriyadda Somalia.

Xeeldheerayaasha lafa-gura Arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan inay Musharixiinta  kala han weyn yihiin, isla markaana ku kala duwan  yihiin sababaha ay ugu xusul duubayaan Doorashadda Nooca Dadban ee lagu dooranayo Madaxweynaha soo socda.

Kuwo ka mid ah Musharixiinta ayaa ah Rug-caddaa Siyaasadeed oo aan ku cusbayn Masraxa Siyaasadda iyo Hoggaanka Qaranka, halka kuwo kalena lagu qiimeyn karo Layli-barad Siyaasadeed oo ay feer socdaan Musharixiin kale oo Magac-u-yaal ah, balse ay Musharixiin kale dan moodaan boos buuxiska Musharixiinta noocaasi ah.

Musharixiin kale ayaa jira oo marka la odoroso Halbeega Meeqaamka Musharixiinta Hankooda dhaafsiinayn inay Kayd Taariikheed (CV) ka dhigtaan inay mar isku sharxeen Xilka Madaxweynaha ee loo arko Xil Madaxeed wehel u ah dufan iyo macaash caynba cayn leh.

Sidoo kale, Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota ayaan la hubin inay noqon doonto sidii Doorashooyinkii hore ee Codka Xildhibaanadda codeynayo la iibsan jirey, mana kala cadda Awoodaha Goobjoogayaasha Caalamiga ee ay ku xakamayn karaan Doorashadda loogu yeero Cod ku bedelo Lacag “Vote For Cash”.

Si kastaba ha ahaatee, Halbeega Meeqaamka Musharixiinta Madaxtinimadda ayaa waxay Muwaadiniinta Soomaaliyeed quudaraynayaan inuu Doorashadani ku soo baxo Madaxweyne Waddani Daacad ah oo mideyn kara Ummadda kala irdhowday, isla markaana hayinka u qaban kara Danaha Qaranka  iyo Rabitaanka Ummadda.

©Radio Dalsan

Previous Post

Askar ku geeriyootay qarax ka dhacay dalka Yemen.

Next Post

Dhageyso: Warka Habeenimo ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka
Warar

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka

July 3, 2025
Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka Habeenimo ee Radio Dalsan

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare...

President Hassan Sheikh to Hold High-Stakes Talks with Opposition Leaders in Mogadishu

President Hassan Sheikh to Hold High-Stakes Talks with Opposition Leaders in Mogadishu

by Gesey Liban
July 3, 2025
0

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is scheduled to hold a highly anticipated and sensitive meeting today in Mogadishu with leaders...

Outcry in Mogadishu Over Alleged Plan to Sell Siinay Market Land

Outcry in Mogadishu Over Alleged Plan to Sell Siinay Market Land

by Gesey Liban
July 3, 2025
0

The Somali government is facing growing backlash following reports that it is planning to sell land occupied by Siinay Market...

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka
Warar

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh to Hold High-Stakes Talks with Opposition Leaders in Mogadishu
English News

President Hassan Sheikh to Hold High-Stakes Talks with Opposition Leaders in Mogadishu

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Outcry in Mogadishu Over Alleged Plan to Sell Siinay Market Land
English News

Outcry in Mogadishu Over Alleged Plan to Sell Siinay Market Land

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Jarmalka
  • President Hassan Sheikh to Hold High-Stakes Talks with Opposition Leaders in Mogadishu
  • Outcry in Mogadishu Over Alleged Plan to Sell Siinay Market Land
  • Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00