• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 19, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO: Ansixinta Barlamaanka Federalka kadib, Maxaa laga filan karaa RW Kheyre ?

Bilan Media by Bilan Media
March 1, 2017
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Asaaska hoose ee lagu soo xulan karo Golaha Wasiiradda Cusub ayaa maanta loo codeeyey, kadib, markii ay 231-Xildhibaan cod gacan-taag ah ku ansixiyeen Ra’isul-wasaare Xasn Cali Kheyre, oo uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabay.

Tisqaadka Siyaasadda ee Ra’isul-wasaare Kheyre ayaana noqon doonta Halbeegga lagu qiimeyn doono Golaha Wasiiradda ee uu soo xulanayo iyo Waxqabadka ama Dib-u-dhaca ay la soo carar tegi doonaan.

Ra’isul-wasaare Kheyre ayaa la tilmaamay inuu yahay Shaqsi Hawlkar ah, isla markaana galaangal badan u geli jirey  si uu uga miro dhaliyo Hawlihii uu ku caanka baxay ee  Samafalka iyo La-shaqeynta Shirkadaha Sahminta Kheyraadka Dabiiciga.

Haatan, waxa uu ku soo biiray Masraxa Siyaasadda iyo Hoggaaminta Golaha Fulinta ama Xukuumadda oo ah Madal-siyasadeed lafdhabar u ah Golayaasha Hoggaaminta Qaranka.

RW Kheyre oo maanta hor tegay Xildhibanadda BFS waxa uu jeediyey Khudbad uu nuxurkeeda ahaa Is-barasho Furan iyo in Himilada Xukuumadiisa noqon doonto mid halbeeg u ah Karti, Hufnaan, La-xisaabtan, La-shaqeynta Hay’addaha Dastuuriga  iyo La-dagaalanka Musuqa.

Waa hubaal inuu Ra’isulwasaaruhu arar ahaan u sheegay Istaraatijiyadda Xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaase is-weydiin mudan nooca ay noqon doonto Xukuumadda cusub (Tiro ahaan iyo Tayo ahaan).

Cod-siinta Xildhibaanadda BFS  ee RW Kheyre u muuqatay Farriin lagu sidkay Beerlaxawsi Siyaasadeed, maadaama ay Xildhibaanadda Cod gacan-taag marxabayn leh ku ansixiyeen magacaabistiisa, oo uu kaga xuubsiibtay Xilkii Ra’isul-wasaare magacaaban.

Waa hubaal inay  jiraan Xildhibaano badan oo doonaya inay isku qabtaan Xilalka Matanaysan ee Wasiir iyo Xildhibaan, kuwaasi oo xusul-duub iyo xodxodasho ugu jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen Xukuumadda cusub ee RW Kheyre.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan  in loo baahan yahay in la soo dhiso Xukuumad Hufan oo lagula xisaabtami karo Shaqooyinka loo idmaday, laakiinse, haddii uu RW Kheyre door-bido inuu dhiso Xukuumad ka kooban Wasiiro ahna Xildhibaano  waxa ku adkaan doonto sidii uu ula xisaabtami lahaa Wasiir-Xildhibaan.

Magacaabista noocaasi haddii RW lagu camcamiyo  Shaxda noocaasi ah, waxaa hubaal ah inaysan RW wada shaqeyn karin, la-xisaabtami karin Gole Wasiir oo wada Xildhibaano ah.

Waxa uu RW Kheyre u nuglaan doonaa  inuu la kulmo Mucaaradnimo iyo inay ku soo faruurmaan Mooshino khatartooda xambaarsan.

RW Kheyre waxaa la gudboon inuu dib u jaleeco Caqabadihii Mooshinadda la siyaasadeeyo iyo Is-qabqabsigii Madaxweynha iyo Ra’isul-wasaarahiisa iyo Taariikhda  Guud ee Ra’isul-wasaarayaashii isaga kala dambeeyey Xilalkaasi.

Saadaasha Dowladda cusub ayaa laga shanqariyey inay yara dhaami doonto Dowladihii hore, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo oo isaga mar Xilka Ra’isul-wasaare soo hayey muddo 6-bilood tilmaamay inuu kalsooni ku qabo inay isaga iyo RW Kheyre wada shaqeyn doonaan Xilli-hawleedka 4-ta sanno ee soo socota.

Saadaasha Fiican ee Madaxweynaha ayaa ah arrin abuuri karta Xasilooni Siyaasadeed, balse, marka xaqasha kale laga qiimeeyo waxaa loo baahan yahay in la ogaado inay si Filan-waa’ isu laba-rogi karto  Jihadda ay ku socoto dabaysha Siyaasadda.

Haddaba, RW Kheyre ayaa laga filayaa inuu soo dhiso Xukuumad wax ka qabata Xalladaha adag ee ka jira dalkeenna, iyadoo hawsha ugu horreyso ee Golaha Wasiiradda lagu jiheynayo Baahiyayaalka Bulshadda, gaar ahaan  Macluusha iyo Abaaraha ay Dadka iyo Duunyadda ku le’anayaan.

Marka la eego Waqiciga Taagan waa loo baahan yahay Ra’isul-wasaare Khabiir ku ah Hawlaha Samfalka Aadminimo, Gargaar-u-Fidinta iyo Kormeerka Nidaamka lagu qeybinayo Gargaarka iyo Xeeladaha looga hortegi karo si aan  loo gacan bidixeynin Yabooha Dhaqaale iyo Gargaarka cunto ee loogu talagalay dadka u nugul in loo gargaaro ee ay Abaaraha iyo Macluusha tabar dhigeen.

Dhinaca kale, Dadka naqdiya Ra’isul-wasaraha ayaa sheega in la magacaabay RW Samafale, balse waxaa hubaal ah haddii RW Kheyre loo madax-baneeyo Hawshiisa inuu soo dhisi karo Xukuumad Karti leh oo wax badan ka qabata Habsanaanta dhan kasta leh ee ka jirta dalkeenna.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Maxaa la filan karaa Ansixinta RW Kheyre kadib iyo halka uu u jiheyn doono Xilkiisa iyo Dhaanka 4.5 ee Muraayadda Siyaasadeed u noqotay Beelaha Soomaaliyeed ?

©Radio Dalsan

 

 

 

 

Previous Post

Muqdisho: Askari toogasho ku dilay Xaaskiisa.

Next Post

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Next Post

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00