Wadooyinka Magalada Muqdisho oo dib loo furay

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa dib loo furay kadib laba maalin oo ay xirnaayeen, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay dib u fureen isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ammaanka ayaa furay Isgoysyadii xirnaa labadii cisho ee la soo dhaafay ee loo diiday inay isticmaalaan dadka rayidka ah, kadib markii xiisad culus oo Siyaasadeed ay ka dhex taagnayd xarunta Golaha Shacabka.

Dadka shacabka ee isticmaala mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka dadweynaha ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadooyinka Magaalada Muqdisho gudaheeda.

Qaar ka tirsan Dhalinyarada Jaamacadaha dhigta ee Magaalada gudaheedda ku sugan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada Dowladda Federalka Somaliya wadooyinka ay dib ugu furtay.

Inkastoo aanan si wayn aanan la isugu haleyn karin furnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay suuragal tahay in ciidamada ay xiraan saacado kadib ayaa haddana hadda si caadi ah u shaqeynayaan gaadiidka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa ah mid wanaagsan, kadib saacado buuq siyaasadeed iyo qal qal amni ka jiray Magaalada gudaheeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media