Tan iyo Doorashaddii Madaxda Dowladda Federalka la soo doortay sannadkii 2012-kii ilaa haatan waxay Towfiiq-xumo Siyaasadeed iyo Dhaqan ka jirtaa Tabaha looga gudbi karo Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Somalia.
Afarta sanno ee Dowladda Federalka loo idmaday waxay ku soo waqti qaateen Khilaafyo Siyaasadeed oo is-haysta min Dacalka Sare ilaa gunta, waxaana marag-ma-doonto ah Khilaafyaddii ay dhowrka jeer ku kala irdhoobeen Madaxweynaha iyo ugu yaraan 2 Ra’isul-wasaare.
Sidoo kale, Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ayaa loo arkaa Ubucda uu ka soo tafiirmo Ololka Siyaasadda ee dhamacdiisa ma dhigay halka ay Ummaddu joogto.
Mooshino Xilal-ka-qaadis ku salaysan ayaana lagu xusuustaa Barlamaanka haatan waqtigu ka dhamaaday, waana hubaal inuu Xildhibaan kasta Kursiga Barlamaanka ku ilaashanayo Mushaarka Kumanaanka Kun Dollar oo ay u wehliyaan Kharajka Mooshinadda dufanaysan (Vote for Cash).
Bah-dil iyo Dhaqan-xumi Siyaasadeed ayaana lagu sifeyn karaa Xaalladahaasi oo kale, waxaana Odayaasha Dhaqanka ee u xilsaaran Xulista Xildhibaanadda Cusub la gudboon inaysan dib u soo dooranin Xildhibaanadda ka macaashay Mooshinadda Dufanaysan.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Siyaasiyiin hore oo haatan Isbaaro Siyaasadeed ku haya Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo inaan la meel-marin Jadwalka Doorashadda Labada Gole ee Barlamaanka iyo Madaxweynaha Cusub.
Dib-u-dhaca ragaadiyey Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa laga dheregsan yahay Siyaasiyiinta danaha Siyaasadeed ka baadi-goobaya arrintaasi.
Odayaasha Dhaqanka ee ku sidkan Siyaasiyiinta mucaaradsan Dowladda Federalka ayaa looga fadhiyaa inay Siyaasiyiintaasi ku qanciyaan inay loolan u galaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen Musharixiinta hanka ka leh Xilalka Dowladda eek ala heerka ah.
Si kastaba ha ahaatee, markaynu xagal kasta ka eegno Caqbadaha dib u dhigayo Jadwalka Doorashadda waxaa lagu soo koobi karaa Caqabadaha Siyaasiyiinta muhiimadda koowaad siinayo Danaysiga Shaqsiyadeed, Kooxeed iyo Beeleed. Odayaasha Dhaqanka ee Saluuga qaba iyo kuwa Hoggaamintooda Beelaha ka hormariya Danaha Siyaasiyiinta ay Hayb-wadaagta yihiin iyo Faragelinta Tooska iyo midda dahsoon ee Shisheeyaha.
-DHAMAAD-
Hassan Istiila